Go’doon Official Trailer

6
13060

Go'doon

Thriller

20162 h 50 min
Overview

Waa qiso dhab ah oo laga sameeyay FIlmkaan GO'DOON

Metadata
Runtime 2 h 50 min
Director Ibrahim Laag
Release Date 20 April 2016

DUBBED BY: FANPROJ

SAFAR KII GO’DOON

Waxa ay ahayd 14-Feb-2016 waxa aanu ubaxnay safar aanu ugu kuurgalaynay xaalada abaaraha Somaliland gar ahaan gobolada galbeedka Somaliland waxa aanu ka baxnay magaalada hargaysa waxa aanu ku sii jeednay magaalada boorama oo aanu ka sii tilmaan qaadanaynay isla maalintaa waxa aanu ubaxnay tuulada xariirad oo aanu ugutagnay dad aad ufarabadan oo barakacayaal ah waana halka ay ka bilaabatay xaalada aad ka u adage e aanu kala kulanay dadka abaaruhu saameeyeen.

200 oo qoys oo kamid ah barakacayaasha duleedka tuulada xariirad Ayaan waxa ay noosheegeen in badi baqtiga xoolahoodii la aasay maalintii shalay ahayd oo ay hada jirin baqti badan oo ka jira barakaacaas lkin se dadku ay yihiin qaar fadhiya meel banana oo aanay haysan biyo iyo wax ay ka galaan cadceeda roobka iyo dabaysha ka dhacaysa buurta ay dagan yihiin qaar kodna ay ahaayeen dad aad da’ u ah oo bilaa nafaqo jidhkoodu noqday oo la seexiyay banaanada.

Markii aanu ka tagnay xariirad ayaanu u baxnay jidhi tuulo la yidhaa intii aanu wadada sii soconay waxa aanu la kulanay baqti aad ufarabadan oo marka aad laba tilaabo socotaba aad ku arkaysid laamida hareereheeda kaas oo sameeyay ur aad uqadhmuun oo aadan wadad ka marikarayn dadka abaaruhu saameeyeena ay yihiin qaar ay hareere socdaan laamiyada iyaga oo ku soo yaacaaya baabuurta oo ay waydiisanayaa wax ay cunaan wax ay cabaan iyo wax ay gogladaan iyo wax ay xidhaan intaba.

Halkaa waxa aanu ka qaadnay naxdin aad ubalaadhan iyo hanfariir aan ku ogaanay waxa dalka ka jiraa in uu ahaa wax ka baxsan xaalada dadka magalooyinka ku nooli waxa ay ka aamin sanyihiin.

Waanu ka sii baxnay waxa aanu ubaxnay tuulada caasha cado oo aanu usiimarnay banka aadka ubalaadhan ee xariirad oo dabayl iyo boodh badani ka dhacaayo intii aanu sii soconay waxa aanu ku arkaynay wadada hareereheeda geel iyo dameero iyo adhi baqtiyay oo aad u farabadan.

Waxa aanu tagnay halkii aanu ku soconay oo ahayd saylac waxa aanu tag nay goor habeen ah markaana waxa aanu ka soo baxnay subixii danbe habeen kii intii aanu joognay waxaa da’ay roob aad ubalaadhan.

Markii aanu soo baxnay waxa aanu la kulanay daadad aad ufarabadan oo soo rog maday waxa aanu la kulanay khatar aad halin u ah oo aad u balaadhan waxa aanu isku so qaad nay bankii giriyaad oo daadad badani soorogmaday .

Habeen kii waxa aanu seexanay bankii giriyaad oo aanu ka bixi kari waynay gaadhigayagii waa uu galay daadakii oo doox baa naga qaadi gaadhay anagu waxa aanu seexanay meel aad u banana oo banka kamid ah waxaana soo rogmaday daadad oo baaladhaan waanu ka yaacnay subixii danbe waxa aanu soo galnay in aanu soo dhaafno banka giriyaad in ta uu roobku taagan yahay .

Safarkani waxa uu koobsaday halis aad ufarabadan oo aan la kulanay.

Poster for the movie "Sabse Bada Khiladi"

Bichhoo Af Somali

Poster for the movie "Ishq"

Ishq Af Somali

Loading...
SHARE

6 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here