Terms of Service

Kusoo dhowow Fanproj Productions & Entertainment!

Waad ku mahadsan tahay isticmaalka & soo booqashada webka Fanproj Productions & Entertainment, halkan waxad ka ogaan kartaa Isticmaalka & Shuruudaha u dagan web-ka, Fadlan si daganaan ah u aqriso kadibna ogolow shuruucyada u dagan web-ka Fanproj Productions & Entertainment.

Kamid noqoshada xubinta (Gold Membership)

Waxaad xubin ugu mid noqon kartaa 3 Qeyb kuwaasoo kala ah:

  1. Gold Membership 1 bil:-  Taasoo ah qofkii doonaya in hal bil xubin Gold ah ka mid noqdo webka, lacagtana uu ku bixin karo Account-Bank Transfer ama paypal transfer.
  2. Gold Membership 3 ama 6 bil:-  Taasoo ah qofkii doonaya in 3 ama 6 bil xubin Gold ah ka mid noqdo webka, lacagtana uu ku bixin karo Account-Bank Transfer ama Xawaalad, faahfaahin ku saabsan dhanka lacag bixinta & xarumaha aad u gudbin karto waxaad ka heleeysaa HALKAN.

Shuruucda Isticmaalka Cinwankaaga (username & password)

Waxaa mamnuuc ka ah in cinwaankaaga username iyo password loo gudbiyo shaqsi kale oo kula isticmaala
Hadii cinwaankaaga uu is xero kala gudbinta aawgeed inta maalmood ama bilooyin uu cinwaankaaga ku harsanaa Gold Membership wuu dhamaanayaa, cinwaankaagana masii shaqeynaayo wuu xanibmi doonaa (Blocked)
Fanproj masuul kama aha is xeritaanka ku yimaada cinwaankaaga (user account).

Shuruucda Su’aalaha & fikradaha (Comments)

  • Waxaa mamnuuc ka ah webka in aad ku cayso shaqsi, shirkad, qabiil ama wadan, haddii ay intaas mid kamid ah comment gaaga ayku lifaaqan yihiin maka soo dhex muuqan doono meesha aad comment-ga ku soo qortay.
  • Waxaa kaloo ka mamnuuc ah in aad film kusoo dalbato qeybta fikradaha (Comments), hadii comment gaaga uuku jiro magac film, sidoo kale maka soo dhex muuqan doono meesha aad comment-ga kusoo qortay.

Fadlan haddii aad qabto su’aal dhankeena ah ama ku saabsan webka & jadwalkiisa waxaad nagala soo xiriiri kartaa [email protected]
Ma ahan in aad kusoo qorto qeybta fikradaha ama Comments.

COPYRIGHT:

Shirkadda Fanproj Production Studio waa mid ku xiran register na ka ah xarunta Digital Millennium Copyright Act.
Dadweynaha soo booqda webkan si sharci ah ayay ku daawan karaan balse copy sharci daro ah waa mamnuuc, Haddii ay dhacdo in si sharci daro ah loo isticmaalo waxyaabaha “Contents”  webka ku bandhigan  shuruucda Copyright ka u taal ayaa waxaa ah in ay kaa xanibeyso waxa copy ga sharci darada ahaa ee aad isticmaashay iyadoo digniin usoo diri doonto account kaaga ama meesha aad kusoo bandhigtay. Hadii ay dhacaan in mar 2aad ama 3aad isticmaasho waxaa dhici kara in ay si dhan ah “Complete” ay u xanibto account kaaga social, video ama web host-gaaga.
Fanproj mas’uul kama noqon karto xanibka ku yimaada Social, Video ama Web Host-gaaga maxaa yeelay shuruucda copyright ka iyaga ayaa wax xaniba.